Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib dabkii naxdinta lahaa ee ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta oo ku taalla degmada Mohammadia ee magaalada Algiers, kaas oo sababay dhimashada dhowr carruur ah iyo dhaawaca tiro kale.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaalaheeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya xilligan murugada leh, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska iyo ehellada ay ka geeriyoodeen carruurtaasi.

Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa waalidiinta ay carruurtoodu ku geeriyoodeen dhacdadan murugada leh inuu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna waxay Alle uga baryaysaa inuu siiyo caafimaad degdeg ah. Sidoo kale, waxay Jamhuuriyadda Aljeeriya iyo shacabkeeda u rajaynaysaa nabad, amni iyo xasillooni waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...