Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bahda warbaahinta, geerida ku timid Alle ha u naxariistee L/X/le Maxamed Diiriye Dhakat, Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Marxuum Maxamed Diiriye Dhakat ayaa door muuqda ka soo qaatay tebinta hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wacyigelinta la xiriirta dagaalka lagula jiro argagixisada.

Wasiirka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelladii, qaraabadii iyo dhammaan bahdii uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...