Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug.

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu masuuliyiinta iyo dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.

Dhankooda, Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Galmudug waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada doorashada qofka iyo codka ah, taas oo la filayo in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonto deegaanada Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...