Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Diiriye Dhakat oo ka tirsanaa bahda Wasaaradda Warfaafinta iyo Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida SNA Radio.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Diiriye waxa uu ka mid ahaa weriyaasha Soomaaliyeed ee doorka weyn ka qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, marxuumka ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariistiisa jano in uu siiyo, inagana samir iyo iimaan Alle inaga wada siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...