Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada Marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...