NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Date:

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, laguna dhaqmayo go’aannadii ka soo baxay gogoshii nabadeed ee ka dhacday degmada Balanballe, ayaa maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyey laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud, iyagoo hubeysan.

Howlgalkan ayaa daba socda go’aannadii uu Taliyaha NISA ka soo saaray socdaalladii uu ku tagay degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo maamulka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaannada hoos yimaada degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ay isla garteen in tallaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex qaadata bulshada ama ku lug leh falalka amni-darrada iyo hurinta colaadaha.

Labadan eedeysane ayaa markii la qabanayey watay laba qori oo nooca AK-47 ah. Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa maanta ka soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo horkeeno hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ku xoojinayso sugidda amniga, xasilinta deegaannada, ka hortagga hubka sharci darrada ah iyo xakamaynta colaadaha beelaha, iyadoo ujeeddadu tahay adkeynta nabadda, wada noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...