Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farah Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho ku jooga dalka Thailand, ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Thailand (Thailand International Cooperation Agency – TICA), Mudane Chulvat Narinthrangura, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adaha u qaabilsan horumarinta iyo iskaashiga dalka Thailand.

Ugu horreyn, Wasiirka ayaa dowladda Thailand uga mahadceliyay kaalmada waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Thailand, iyo muhiimadda ay leedahay sare u qaadista iskaashiga horumarineed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta karaanka aadanaha, waxbarashada, horumarinta xirfadaha farsamada, iyo kalluumeysiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...