Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta booqday xarunta maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee degmada, iyagoo u kuurgalay xaaladda amniga, dib-u-soo kabashada adeegyada bulshada iyo dadaallada dib-u-dhiska ee ka socda degmada.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay shacabka degmada Ceeldheer inay si firfircoon uga qeyb qaataan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda, una xoojiyaan ka qaybqaadashadooda geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...