Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, isagoo sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe lagu soo afjarayo argagixisada, isla markaana qorshahaas dhawaan lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta. Dadka Soomaaliyeedna dhowaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isaga soo baxaan, isagoo u ballanqaaday cafis iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.

“Dhallinyarada ku jirta kooxda argagixisada ee doonaysa inay kasoo noqoto, ha soo noqoto. Cadow idinkama soo horreeyo, mana ceebayn doonno. Kuwii hore uga soo laabtay fikirka qaldan waxay maanta ka mid yihiin hay’adaha dowladda, idinkuna kuwasaa la mid tihiin. Soo noqda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusay guddigii qabanqaabada iyo howl-wadeennadii doorka weyn ka qaatay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...