Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Date:

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Abdulkadir Cartan), ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee BBS Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo isugu jiray bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada Islii iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu muujinayay taageero iyo garab istaag loo fidiyay garsoore Cartan, iyadoo lagu bogaadiyay doorkiisa taariikhiga ah ee uu ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah,ee loo xusho inuu ka garsooro tartanka Koobka Adduunka ee FIFA, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabadda ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Cabdulle Ibraahim,Guddoomiyaha Gobolka Wajeer Axmed Cabdullaahi, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Kenya (FKF) Xuseen Maxamed, Xildhibaan Farax Macallin, Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha BBS Mall Cabdiweli Macallin iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka kala socday dowladda Kenya, Soomaaliya iyo bahda ciyaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...