Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka XDS.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Taliyaha u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda Ciidanka iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-dhiska Ciidanka XDS.

Guddigan, oo ay ka tirsan yihiin saraakiil sare oo door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka XDS kaddib burburkii dowladdii dhexe, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka, si loo helo ciidan awood u leh gudashada waajibaadkiisa qaran ee difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa faray guddiga inay sii xoojiyaan shaqooyinka, daraasadaha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee ay wadaan, si loo xaqiijiyo yoolalka mudnaanta u leh dhismaha, casriyeynta iyo tayeynta ciidanka XDS

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...