Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Sannadka 2026 iyo Gunaanadka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada iyada ko juhdi iyo dadaal badna galisay mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed iyo dhisamaha aqoonta, heerarkeeda kala duwan.
Mudane Xamsa ayaa xusay in himilooyinka Qarni-jirka ah ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP-ay tiir dhexaad u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka iyo casriyeynta nidaamyada iyo shuruucda kale ee dhanka Tacliinta ah.
“Waxbarashadu ma aha wadada guusha oo kaliya ee waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed, waana tiir adag oo diinni ah kaasi oo in badan lagu sheegay Qur’aanka iyo Sunnaha, waxa ayna ina tusinaysa mudnaanta ay leedahay in Ardayda wax la baro”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhiirrigaliyey Ardayda sannadkan galaysa Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, in ay guul iyo natiijo wanaagsan ka gaaraan Imtixaanka, isaga oo bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada Dugsiyada dalka.

