Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga ayaa ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka deegaaanada Hirshabeelle kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay ee dhowaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle, iyadoo uu gabogabo marayo dhismaha xarunta Golaha Wakiilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...