Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga kuna xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), isla markaana arkay in calanka iyo astaanta qaranka loo isticmaalo midabo kale duwan oo khaldan, laguna wareeray midka saxda, ayuu soo saaray warsaxaafadeedkan:

(1) Dhammaan Hay’adaha Dawladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo adeegsanaysa Calanka iyo Asataanta Qaranka waa inay isticmaalaan midabka rasmiga ah ee ku xusan Jadwalka Koowaad (A) iyo Jadwalka Koowaad (B) ee Dastuurka JFS, ayadoo midabka buluugga ah ee Calanka iyo Astaantu uu yahay (Hex Code: #B5D7F1- RGB (Red, Green, Blue): (181, 215, 241).

(2) Sidoo kale, Heesta Qaranka Soomaaliya ee rasmiga ah oo dhammaystiran waa midda ku qoran Jadwalka Koowaad (C) ee Dastuurka JFS.

(3) Hay’addii ama masuuliyiintii si khaldan u adeegsada Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka.

(4) Dhammaan xafiisyada dawladda ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed waa inay adeegsadaan calanka, waana in la dhigaa xarumaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...