DEG DEG: Ururka argagixisada ee AS ayaa culimo ku weeraray Deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska deegaankaas.
Weerarkaas ayaa sababay in ay ku geeriyoodaan 2 dhallinyaro ah oo ka mid ahaa culimadii la weeraray, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay qof goobjooge ah oo ku sugnaa deegaanka la weeraray.
Culimada la beegsaday ayaa ka tirsanaa Ahlusunna Waljamaaca, waxaana xilliga weerarku dhacayay ay isku diyaarinayeen xuska bisha Mowliid ee dhalashada Nabi Muxamed (NNKH).
Kooxda AS ayaa horey loogu eedeeyaa in ay ka soo horjeedaan xuska dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) ee ay qabtaan culimada Ahlusunna Waljamaaca marka la gaaro bisha Mowliid.
