Subaxnimadii hore ee saaka waxaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Deegaanka Riiqsay, oo hoostaga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, lagu dilay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii koox hubeysan ay beegsadeen kulan ay Culimada Ahlusunna Waljamaaca ku qabteen deegaankaas, kaas oo lagu xusayay dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) iyo sidoo kale siyaarada Sheekh Cali Cilmi Yare.
Sida uu sheegay wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gaalkacyo, Cabdirisaaq Maxamed Axmed, dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ahaa dad badan oo halkaas ku sugnaa, waxaana laga soo warinayaa dhaawacyo tiro badan.
Magacyada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa:
Sheekh Cabdi Xareed Cali
Mukhtaar Nuur
Nuur Cabdi Xareed
Xuseen Guuleed Faarax
Maxamed Cali Cusmaan
Axmed Yaaquub Cali
Macalin Geedi Cali
Weerarkan waxaa lala xiriiriyay kooxda AS, kuwaas oo horey u fuliyay falal noocan oo kale ah.
