Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado colaadaha hubeysan ama askareynta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo ka faa’iidaysiga carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan hay’adda Save the Children, si loo hirgeliyo siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha Kooxda Shaqada ee Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubeysan (CAAC Working Group), oo ay ku jireen wakiillo ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...