Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka (ILC 2026) oo ka socda magaalada Geneva.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, xoojinta wada-hadalka bulshada, iyo kobcinta nidaam shaqo oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso horumarinta fursadaha shaqo, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo xaqiijiyo suuq shaqo oo loo dhan yahay, isla markaana waara. Shirweynaha ayaa diiradda saaraya arrimo la xiriira shaqada, caddaaladda bulshada, iyo horumarinta xuquuqda shaqaalaha caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...