Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, ganacsiga iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ee Shiinaha. Magaalada oo ku taalla waqooyiga dalka kana dhow caasimadda Beijing, waxay isku darsatay ilaalinta dhaxalkeeda taariikhiga ah iyo hirgelinta tiknoolajiyada casriga ah ee qaabeynaysa mustaqbalka.
Saxafiyiin ka kala socday dalal badan oo Afrikaan ah oo ka qaybgalaya Barnaamijka 2026 ee Xarunta Isgaarsiinta Saxaafadda Caalamiga ah ee Shiinaha (CIPCC) ayaa booqday magaalada, iyagoo indhahooda ku arkay horumarka ballaaran ee Tianjin iyo kaalinta ay ku leedahay qorshaha casriyeynta Shiinaha.
Booqashada ayaa ka bilaabatay Ancient Culture Street, oo ah goobta ugu caansan ee lagu ilaaliyo dhaqanka iyo taariikhda magaalada, dalkaan waxaa ku yaalla dhismayaal iyo astaamo ka tarjumaya boqortooyooyinkii Ming iyo Qing, halka Qasriga Tianhou oo la dhisay sanadkii 1326 uu weli yahay astaan muhiim ah oo muujinaysa taariikhda magaalada.
Dhanka caafimaadka, wafdigu wuxuu booqday Xarunta Tasly Darentang oo ka mid ah xarumaha ugu faca weyn ee daawada dhaqanka Shiinaha. Xaruntan oo leh taariikh ka badan shan qarni ayaa maanta isku darsatay aqoonta dhaqanka iyo cilmi-baarista casriga ah, iyadoo dawooyinkeeda loo suuq geeyo dalal badan oo dunida ah.Tianjin ayaa sidoo kale noqotay xarun muhiim u ah tiknoolajiyada iyo hal-abuurka.
Aagga Binhai New Area waxaa ku yaalla xarumo badan oo cilmi-baaris iyo shirkado waaweyn, waxaana ka mid ah Lenovo Smart Innovation Service Industrial Park oo si weyn uga faa’iideysta sirdoonka macmalka ah (AI), xogaha waaweyn (Big Data), adeegyada daruuraha (Cloud Computing) iyo Internet-ka Waxyaabaha (IoT) si loo horumariyo wax-soo-saarka iyo adeegyada saadka.
Dhinaca warshadaha, Tianjin Atomu Robotics ayaa soo bandhigtay horumar la taaban karo oo laga sameeyay robotiyada warshadaha, kuwaas oo maanta laga adeegsado warshado kala duwan gudaha iyo dibadda Shiinaha. Shirkaddu waxay sidoo kale soo saartay robot humanoid ah oo loogu talagalay shaqooyinka wax-soo-saarka iyo kormeerka tayada.
Sidoo kale, shirkadda Deepinfar Ocean Technology ayaa muujisay horumarka laga gaaray tiknoolajiyada badda hoosteeda, iyadoo soo saarta robotiyo iyo qalab casri ah oo loo adeegsado cilmi-baarista badaha, ilaalinta deegaanka iyo sahaminta kheyraadka dabiiciga ah.
Mid ka mid ah goobaha ugu yaabka badnaa ee la booqday ayaa ahayd Dekedda Tianjin, oo maanta ka mid ah dekedaha ugu casrisan dunida.Dekeddu waxay adeegsataa nidaamyo otomaatig ah iyo tamar nadiif ah oo laga helo qoraxda iyo dabaysha, taasoo ka dhigaysa tusaale muuqda oo muujinaya isku dhafka tiknoolajiyada iyo horumarinta cagaaran.
Dhanka waxbarashada, Tianjin waa halka uu ka curtay mashruuca Luban Workshop, oo ah barnaamij caalami ah oo lagu horumariyo xirfadaha farsamada iyo tiknoolajiyada. Mashruucan ayaa maanta ka shaqeeya dalal badan, isagoo gacan ka geysanaya diyaarinta dhalinyarada si ay ula jaanqaadaan baahiyaha warshadaha casriga ah.
Guud ahaan, Tianjin waxay noqotay tusaale muujinaya sida magaalo casri ah ay u ilaalin karto taariikhdeeda iyadoo isla markaana horseed u noqota hal-abuurka, tiknoolajiyada iyo horumarka waara. Magaalada ayaa maanta loo arkaa mid ka mid ah meelaha ugu wanaagsan ee laga dheehan karo wejiga cusub ee Shiinaha iyo himilooyinkiisa mustaqbalka


















