Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka. Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP, xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...