Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad ee bulshada caasimadda Muqdisho kusoo dhaweenayeen guushii uu gaaray Mudane Yassin Mohamoud oo loo doortay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Britian.
Duqa Muqdisho ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirrada iskaashi iyo wada-shaqeynta heer caalami ee taageeraya horumarka caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Muungaab ayaa xusay in laga filayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee gaaray heerarka hoggaamineed inay dalkooda kusoo celiyaan aqoonta iyo waaya-aragnimada ay kasbadeen, si looga faa’iideysto dadaallada dib-u-dhiska, horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Dhankooda, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo marti-sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay rajada weyn ee laga qabo kaalinta uu Yassin Mohamoud ka qaadan karo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Bristol, iyagoo tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka filayaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta magaalooyinka iyo taageeridda arrimaha bulshada.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), duubab dhaqameed, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

