Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka bilihii u dambeeyay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay gudbiyeen warbixino la xiriira maamulka iyo maaliyadda, qorsheynta, siyaasadda, shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha bilaha soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, xoojinta nidaamka shaqaalaha, iyo dardargelinta qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadda Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...