Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka markab shidaal oo lagu qabsaday xeebaha dalka Yemen, kadibna loo soo watay dhanka biyaha Soomaaliya, kaas oo ay saarnaayeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay dembi ka dhan ah shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan xeerarka caalamiga ah ee badaha iyo bini’aadannimada. Wuxuu tilmaamay in afduubkaasi uu khatar ku yahay amniga iyo xasilloonida marinada badeed ee caalamka.

Sidoo kale, Al-Yamaaxi ayaa caddeeyay in Baarlamaanka Carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda Masar, isla markaana uu taageersan yahay dadaallada ay waddo Qaahira ee lagu sii deynayo badmaaxiinta la afduubtay si nabad ah, looguna celiyo dalkooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka afduubka maraakiibta, kuwaas oo halis weyn ku ah ganacsiga iyo isu socodka maraakiibta caalamiga ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...