Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan , isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.

โ€œManhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,โ€ Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mashruucan cusub ee loo dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran, ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii heyโ€™addaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...