Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  – Fartaag, ayaa xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasillinta, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha horutabinta u leh Qaranka, ee ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga amniga guud, la-dagaallanka argagaxisadda, iyo kor u qaadidda tayada hay’adaha ammaanka.

Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta dadaallada la-dagaallanka argagaxisadda, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada sirdoonka, tababarka ciidamada, iyo taageerada farsamo, si loo wiiqo awoodda kooxaha khatarta ku ah amniga dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Fartaag ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadanayo adkeynta nabadda, xasiloonida, iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Safiirka Switzerland Mirko Giulietti ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dalkiisa sii wadidda taageerada ku aaddan nabadda, xasiloonida, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...