Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha federaalka, dhismaha awoodda hay’adaha iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda is-weydaarsiga khibradaha, taageerada farsamo iyo iskaashi horumarineed oo lagu kobcinayo adeegyada dadweynaha.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Safaaradda Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo xusay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo midnimada, dowlad-dhiska iyo horumarka waara ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...