Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo shaqeeyey qaranka, gaar ahaanna uu ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidoo kale burburkii iyo dagaalkii sokeeye markii uu dhacay waxa uu Marxuumku si hagar la’aan ah uga qayb qaatay howlihii gurmadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Alle uga baryey Marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelkiisa, qaraabadiisa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...