Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Date:

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwaas oo maalmahan waday howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Isdhiibidda horjoogahan ayaa ka dhacday aagga deegaannada Labadulle iyo Ceelahelay, halkaas oo ay ciidamada Daraawiishtu ka wadeen howlgallo amni oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Horjooge Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadda ee gobolka Galgaduud, isla markaana uu ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo watay qori iyo boosh.

Sidoo kale, horjoogahan ayaa saraakiisha Ciidamada uu isku soo dhiibay u sheegay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad kala firxad iyo jahawareer ah, kadib markii ay ku jabeen howlgallada ballaaran ee ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanno badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo ay barbar socdaan duqeymo culus oo cirka iyo dhulka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...