Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Date:

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda

Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.

Ugu dambeyn, Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....