NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dhagar-qabe Khawaarij ah oo muddo dheer lagu raad-joogay.

Dhagar-qabahan oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa sarkaal si gaar ah ugu takhasusay aaska miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada.

Howlgalka lagu beegsaday ayaa lagu soo furtay qori AK-47 ah, waxaana la rumeysan yahay inuu qeyb muhiim ah ka ciyaarayay weerarro horey uga dhacay gobolka.

NISA waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta ee wali ku dhuumaaleysanaya deegaanada miyiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...