Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda walaalaha ah ee Kuweyt, Mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsatay waxa loogu yeeray Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Waqooyi-galbeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa muujiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isagoo garab istaagay dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...