Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Date:

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Ururka (OIC), ayaa si gaar ah kaga hadlay duulaanka gardarada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna iyagoo isku duuban si cad u diideen xadgudubka Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka ay siisay Somaliland.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo shirkooda ku soo qaaday arrinta Falastaan iyo dhibta ka taagan marinka GAZA ee Israa’iil sababta u tahay, waxayna isla garteen in guda galo wejiga labaad ee xabad joojinya iyo in ciidmaada Israa’iil ka baxaan deegaannada Falastiin si shacabka dib guryahooda uga soo noqonayo loo xaqiijiyo nabad galyadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...