Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.
Ururka (OIC), ayaa si gaar ah kaga hadlay duulaanka gardarada ah ee Israaâiil ku soo qaaday madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna iyagoo isku duuban si cad u diideen xadgudubka Israaâiil iyo aqoonsi beenaadka ay siisay Somaliland.
Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israaâiil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.
Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo shirkooda ku soo qaaday arrinta Falastaan iyo dhibta ka taagan marinka GAZA ee Israaâiil sababta u tahay, waxayna isla garteen in guda galo wejiga labaad ee xabad joojinya iyo in ciidmaada Israaâiil ka baxaan deegaannada Falastiin si shacabka dib guryahooda uga soo noqonayo loo xaqiijiyo nabad galyadooda.

