Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Date:

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho Salaadda Jimcaha kula tukaday, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah kasoo hoysay, halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isagaa oo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...