Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Mudane Dr. Vivian Balakrishnan.
labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo taageeridda mabaadi’da madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
