Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna dhiirrigelinayay saraakiisha Ciidanka Booliska ee Koonfur Galbeed kuwaas oo door muuqda ka qaatay xasilinta amniga ee deegaannada maamulkaas.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha billado sharaf, shahaadooyin iyo hadiyado, si loogu bogaadiyo howlaha adag ee ay qabteen gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, ilaalinta dadweynaha, iyo ka hortagga falalka amni darrada.
Waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, culimo, odayaal iyo qeybaha bulshada.
Taliyeyaasha iyo masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo wadaniyad mudan in lagu abaalmariyo, waxayna sheegeen in dhiirrigelintani ay sare u qaadeyso moraalka ciidamada, isla markaana dhiirrigelin doonto dagaalka lagula jiro cadowga dalka.
Munaasabadda noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu dhiirrigelinayo ciidamada qaranka si ay uga go’naadaan sugidda amniga dalka oo dhan.
