Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Date:

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa lagu muujinayay dareenka diidmo ee shacabka iyo culimada Soomaaliyeed ay ka qabaan xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Culimo badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay mudaharaadka, iyagoo jeediyay khudbado kulul oo ay kaga digeen faragelinta siyaasadeed, diin iyo qaranimo ee Israa’iil. Waxay sheegeen in aan la aqbali karin in qaran Soomaaliyeed loo adeegsado dano shisheeye, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay mar walba u taagan yihiin difaaca diintooda, dalkooda iyo dowladnimadooda.

Banaanbaxa oo si nabdoon ku dhacay ayaa sidoo kale noqday mid dadweyne badan ay taageereen, iyadoo lagu muujiyay midnimo, wacyi iyo halgan dhanka afka ah oo ka dhan ah wax kasta oo dhaawacaya jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...