Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Date:

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed maanta sameynayaan bannaanbax iskugu jira socod dheer iyo isu-imaatin ballaaran, si loo muujiyo mowqifkooda adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Ummadda Soomaaliyeed.

Bannaanbaxan ayaa ah jawaab cad oo ka dhan ah faragelinta shisheeye, gaar ahaan midda Israa’iil, waxaana culimada ku tilmaameen arrintaas mid aan la aqbali karin. Sheekh Suufo Yare ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed mar walba ka shaqeynayaan mideynta ummadda, ilaalinta diinta, iyo difaaca qaranimada.

Isu-soo-baxa maanta ayaa ah mid nabadeed oo calaamad u ah midnimo iyo go’aan mideysan oo kasoo baxay culimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...