Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada, gaar ahaan culimada Soomaaliyeed.
Bannaanbaxan ayaa lagu muujinayaa cambaareyn xooggan oo ka dhan ah faragelinta ay dowladda Israaâiil ku heyso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Bannaanbaxa oo ay soo abaabuleen culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan Golaha Sare ee Culumada, ayaa ka socdo Taallada Daljirka Dahsoon. Culimada ayaa horey ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si nabadeed uga qeybqaataan bannaanbaxa, si loo adkeeyo midnimada dalka loogana hortago wax kasta oo lid ku ah qaranimada Soomaaliya.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo culimo kale oo kamid ah kuwa hormuudka u ah kacdoonkan ayaa sheegay in Israaâiil ay isku dayeyso inay qalqal geliso Soomaaliya, taasina aysan marnaba ogolaan doonin, ayna ka hortagi doonaan si mideysan, diimeed iyo qaranimo ahaanba.
Bannaanbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli dareen xooggan oo ka dhan ah siyaasadaha Israaâ11l uu ka jiro guud ahaan dalka, iyadoo dadweynuhu muujiyeen sida ay uga goâan tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
