Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Date:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.

Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta dhanka booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kulammo miro dhal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...