Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen shan (5) dhagarqabe, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaankaasi.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gebi ahaanba burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha arxan-laawayaasha ah, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal amni-darro.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...