Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen shan (5) dhagarqabe, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaankaasi.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gebi ahaanba burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha arxan-laawayaasha ah, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal amni-darro.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...