Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay xoojinta difaaca Qaranka, iyo inay dardargeliyaan waajibadka shaqo ee loo idmaday, oo ay kow ka yihiin howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.
Booqashooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiirigelinayaan, kuna xoojinayaan doorka Ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka iyo xasilinta amniga dalka.

