Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

“Soomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...