Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Date:

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindisahan sharciyeed ayaa ujeedkiisu yahay in si buuxda loo mamnuuco gudniinka fircooniga ah, maadaama uu khatar weyn ku yahay caafimaadka, nolosha iyo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka. Saxiixa Madaxweynaha ayaa muujinaya sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan haweenka iyo carruurta.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada la gaarsiiyo wacyigelin ku aaddan dhibaatada gudniinka fircooniga, isla markaana la iska kaashado hirgelinta sharcigan, si loo xaqiijiyo badbaadada jiilka hadda iyo kan soo koraya.

Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha kala duwan, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah inay door firfircoon ka qaataan hirgelinta sharcigan iyo la dagaallanka dhaqamada waxyeellada u leh haweenka iyo gabdhaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...