Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno ka sameeyay tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna shacabka deegaanka u helaan nolol nabdoon.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu ku wiiqayaan khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...