Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...