Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira aqoonsiga iyo masiirka dalka ay yihiin kuwo go’aan kooda kama dambaysta ahi yaallo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in go’aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...