dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Date:

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil u sameeyay waxa ay ugu yeertay “Dhulka Soomaaliland,” iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay arrintani wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo midnimadooda, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...