Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Date:

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay Khawaarijtu ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, ayaa u geeriyooday dhaawacyo oo ka soo gaaray howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qalabka Sida horay ugu beegsadeen kuwaas oo markii dambe ku sababay xanuuno kale oo ku keenay inuu noqdo dhulyaal.

Dhiigyacabkan ayaa Khawaarijta uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

Cabaas Hool wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo Sirdoonka Soomaaliya uu hayo xogtooda oo dhamaystiran.

Ma jirto meel ay uga baxsan karaan gacanta Ciidanka Qalabka Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Khawaarijta ee caadaystay gummaadka shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay...