Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.

Mudane Xoosh oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Agaasimaha Guud mudane Cayadruus Macallin Xasan ayaa soo indho-indheeyey heerka howsha dhismaha iyaga oo Injineerrada iyo howlwadeennada kale ee ka shaqaynaya dhismaha ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada socota iyo inta dhiman.

Dhankiisa, Wasiir Cali Xoosh ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...