Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo socday intii u dhaxeysay 9-13 Juunyo 2025 ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, oo ay ka mid yihiin hay’adaha nidaamiya isgaarsiinta, hay’adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika.

Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeyb galka HIQ wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay la jaanqaadka siyaasadaha, shuruucda, iyo horumarka tiknoolajiyadeed ee isgaarsiinta gobolka.

“Shirarka noocan oo kale ah waxay muhiim u yihiin HIQ, maadaama aan nahay hay’adda ugu da’da yar ee maamusha isgaarsiinta gobolka. Waxaan si buuxda u fahamsannahay in isgaarsiintu aysan xuduud lahayn — iyadoo ay sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin adeegyadeenna isgaarsiineed oo gaara dalalka deriska ah (roaming), barnaamijyo tiknoolajiyeed oo la wadaago gobolka, iyo khataraha amniga internet-ka oo aan ku ekaan dal keliya,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...